Workshop hal malin ah oo ku saabsan ilaalinta duurjoogta iyo qorshaynta protected areas-ka Dalka

Maanta oo taariikhdu tahay 19-02-2020, waxa ka qabsoomay xarunta Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga, Workshop, loogu talo-galay arriamaha ilaalinta Duurjoogta sii dabar go’aysa iyo qorshaynta seerayaal (protected areas) . kulankaas oo ka dhexeeyay Wasaarda Deegaanka iyo haayada ASPINALL Foundation oo laga leeyahay Dalka Ingiriiska si gaar ahna uga shaqaysa ilaalinta duur-joogta sii dabar go’aysa.

Shirka waxa furtay wasiirka Deegaanka Marwo. Shukri X. Ismaacil (Baandare), sidoo kale waxa ka qayb ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaarada, Mudane, Cabdinaasir Axmed Xirsi iyo Saraakil sarsare oo wasaarada ah. Dhinaca haayada Aspinall Foundation Waxa u matalaayay Mr. Dereck Milburn oo ah (Regional Director) iyo saraakil sare oo laftoodu ka tirsan haayadaas.

Share

Leave comment

Subscribe to our Newsletter!

Sign up to receive environmental news and updates!